
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii 5-aad ee Kalfadhiga 1-aad ayaa meel mariyay hab-dhowraha Golaha Aqalka Sare iyo ku xigeenkiisa.
Fadhigii Guud Golaha ee maanta oo ay soo xaadireen 39 Senator ayay xubnaha Goluhu xilka hab-dhowrka u ansaxiyeen, laba xubnood oo kala ah:
1- Senator Zamzam Ibraahim Cali Hab-dhowraha Aqalka Sare.
2- Senator Fartuun Cabdulqaadir Faarax (Karaama) Hab-dhowre ku xigeenka Aqalka Sare.
Guddoonka golaha ayaa soo magacaabay labadaan xubnood, halka xubnaha kale ee guluhu ay cod u qaadeen, sidaas ayeyna ku ansixiyeen.
Leave a Reply