Taliyihii hore ee Ciidamada nabadsugida Soomaaliya Fahad Yasiin oo warbaahinta la hadlay ayaa waxuu dilkii loo gaystay Saraakiishii lagu dilay Gaalkacyo iyo isku day dil oo la rabay in lagu dilo ra’iisalwasaarihii hore Xasan Cali Khayre ku eedeeyey inuu ka masuul ahaa Xildhibaan Mahad Salaad.
Saraakiisha lagu eedeeyey inuu Mahad Salaad Dilkooda ka dambeeyey waxaa kamid ahaa allaha unaxariistee Taliyihii qeybta 21-aad ee milatariga xoogga Soomaaliya, Janaraal Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje Dagaari),
Taliyiyihii Ciidamada danab, qeybta Galmudug, Korneyl Muqtaar Cabdi Aadan.
Taliye ku xigeenkii ciidanka danab, qeybta Galmudug, Dhamme C/raxmaan Mire Cali.
Duqii hore ee Degmada Gaalkacyo- Qeybta Puntland, Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumeey).
Leave a Reply