Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Shir guddoomiyey shir heer Wasiiro ah oo lagu qabtay Caasimada Maamulka Puntland ee Garoowe.
Shirkan oo sanadkii laba jeer qabsooma waxaa kasoo qayb galay ,Wasiirada wasaaradaha bahwadaagta la ah mashruucha, Agaasimaha Madaxtooyada iyo masuuliyiinta xafiiska maamul baahinta Puntland (JPLG) waxaana looga hadlay, Xog-waran ku saabsan dibu-eegista siyaasada maamul baahinta.
Madaxweyne ku xigeenka oo hadal koobaan ka jeediyey ayaa xusay muhiimada ay leedahay maamul baahinta iyo in cid walba ka qaadato qaybta kaga aadan isaga oo amray wasaaradaha mashruucu la xiriiro inay fududeeyaan hawlaha looga baahan yahay.
Leave a Reply