Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee dalka ayaa maanta soo gaba-gabeysay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalada 12-aad oo si Siman loogu qaaday xarumaha waxbarashada ee maamulada dalka, kaasi oo ahaa mid mideysan oo dhamaan Dugsiyada Sare laga qaaday.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare Cabdullaahi Abukar oo soo xiray Imtixaanka ayaa yiri “ waxaa aan ku guuleysanay in sanadkaan uu Ixtiraanku si nabad ah inoogu soo gabagaboobo, waxaana uu ahaa mid ka duwanaa kuwii hore, waalidiinta dhalay ardada, waasadaha maamulada, ciidamada booliska iyo barayaashii ka qeyb qaatayne waa u mahadcelineynaa”.
Ardayda u fadhiistay sanadkaan Imtixaanka ayaa Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare sheegtay in ay gaarayeen 35,000 (Sodon iyo shan kun) oo Arday in ay gaarayeen, waxaana Wasaaraddu ay u rajeysay guul iyo natiija fiican oo ay ku baasaan.
Dhanka kale Arday Maanta Dhamaystay Imataaxanka Dugsiga sare ee Dowladda Soomaaliya ayaa ku Dabaal-dagay taalada Daljirka Daahson.
Leave a Reply