Daawo:Deni oo guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada Puntland

deni

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Mashaariicda lagu horumarinayo Biyaha iyo Korontada, wax ka bedel lagu sameeyay derejada qaar ka mid ah degmooyinka Puntland iyo xaaladda Abaaraha oo Guddi loo saaray.

Kulanku intuu socday waxaa laga hadlay xaaladda Abaarta, waxaana Madaxweynuhu uu magacaabay Guddi ka kooban Wasaaradaha si loo dardargeliyo wax ka qabashada saameynta Abaarta iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay saameysay.

Golaha ayaa wax ka bedel ku sameeyay derejada qaar ka mid ah degmooyinka Puntland oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana degmooyinka kala ah Bareedo, Carmo, Boocame, Xiingalool iyo Xarfo oo awal ahaa heerka saddexaad (C) loo dalacsiiyey heerka labaad ee degmooyinka Puntland (B).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.