
Golaha Aqalka sare Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah kulan isugu yimid Xaruntooda waxayna ansixiyeen xubnaha guddiyada Aqalka Sare oo ka kooban 8-guddi.
Guddoomiyaha golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa faray in guddi kasta muddo 7-cisho uu ku soo diyaariyo Baarnaamijkiisa shaqo ee kalafadhiga golaha.
Guddiyada 8-da ah ee maanta la ansixiyay waxay kala yihiin:-
- Guddiga Xeerhoosaadka,Anshaxa,Xasaanadda iyo Daryeelka Sanatarrada.
- Guddiga Garsoorka,Arrimaha Diinta iyo Awqaafta,Xaquuqul Insaanka,Haweenka iyo Carruurta.
- Guddiga Arrimaha Gudaha,Dib u heshiisiinta iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada.
- Guddiga Difaaca iyo Amniga.
- Guddiga Arrimaha Dibadda,Qorshaynta,Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
- Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada,Arrimaha Bani’aadannimada,Warfaafinta iyo Dhaqanka.
- Guddiga Khayraadka Qaranka,Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka.
- Guddiga Dhaqaalaha,Maaliyadda,Ganacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta iyo Dalxiiska.





Leave a Reply