Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo lagu soo dhoweeyay Dhoobley

axmedmadoobe

Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Dhoobley halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeeyey.

Maamulka Degmada, Odayaal, haween, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha degmada Dhoobley.

Golaha wasiirada ee Jubaland ayaa 23-June-2022 shirkoodii Khamiislaha ahaa ku ansixiyey in Dhoobley iyo Buurdhuubo ay kamid noqdaan Degmooyin rasmiga ah ee Jubaland.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay degmada Dhoobley kulamo la qaadan doona waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.