
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa u jeediyey shacabka Soomaaliyeed farriin ku saabsan xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha.
Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn umadda Soomaaliyeed uga mahad-celiyey ducada iyo dareenka ay u muujiyeen muddadii uu u hoggaansanaa habraaca iyo talooyinka bahda caafimaadka ee COVID-19.
Madaxweynaha ayaa sheegay in baaritaannada caafimaad ee la xiriira COVID-19 ee laga qaaday ay muujinayaan in laga waayey, sidaas awgeedna uu dib u fariisan doono xafiiska, si uu u dardar geliyo shaqada qaranka.
Leave a Reply