Sawiro:Wasaarada Gargaarka Soomaaliya oo 40 kiish oo Raashina Gaysay Degmada Ceelwaaq

khadiijo

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS ayaa bilowday gaarsiinta deeqo raashin gargaar ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka ay abaaraha saameeyeen.

Wasaaradda ayaa maanta deeqada gaarsiisay degmada Ceelwaaq halkaa oo ay ka jirto xaalada abaar oo sameeysay dadka iyo dunyada ku nool guud ahaan Gobolka Gedo

Deeqdaan gargaarka ah ayaa si toos ah loo geynayaa deegaanada ay ku nool yihiin dadka saameynta xooggan ay ku yeelatay abaarta ka jirta dalka,iyadoona horay deeqo kuwaan lamid ah la gaarsiiyay degmooyinka Xudur, Garawo, Ceel-waaq oo ay ku suganyihin qoysas badan oo ay abaartu sameeysay.

Madaxweynaha iyo Ray”iisul wasaaraha aya horay u faray Guddiga Maalmaha xorriyadda in ay isku wadaan u gurmashada dadka ay abaartu sameeysay iyo diyaarinta Todobaadka xorriyadda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.