Daawo:Wariyaal u Xirnaa Taliska Muuse Biixi oo Ka Waramay Sidii Sharci darada ahayn ee loola Dhaqmay

muse

Gudoomiyaha MM TV Wariye Maxamed Cabdi Ilig iyo Madaxa Wararka HCTV Wariye Cabdijibaar Maxamed Xuseen, ayaa hadda dib u helay xorriyadooda kadib markii si sharci daro ah ay u xireen Ciidamada Taliska Muuse Biixi.

Wariyaasha ayaa la xiray kadib markii ay qabteen Ciidamada amaanka iyagoo si toos ah u tabinayo isku dhac ka socday xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, kaas oo u dhaxeeyay maxaabiista ku xiran xabsiga iyo Ciidamada amaanka.

Markii lasoo dayay wariyaasha, waxa ay goob fagaare ah kula hadleen warbaahinta, iyagoona u mahadceliyey dhamaan bahda saxafiyiinta Soomalilan, oo qeeyb weeyn ka qaatay sii deyntooda, waxa ayna sheegeen in ay sii wadi doonaan howlaha ay u hayaan warbaahinta Soomalilan, iyo soo gudbinta wararka saxda ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.