Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta furay kalfadhiga afraad ee golaha wakiilada Dowlada Jubaland.
Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyay Xildhibaanada golaha wakiilada isagoo ka hadlay dhinacyo kala duwan, Waxaa ugu horayn uu Madaxweynahu tilmaamay in guud ahaan dalka ay ka jirto abaar daran meelaha roobabku ay ka da’eena ay wali ku danbayso saamaynta abaarta oo roob ku filan aanay deegaanada qaar aanay helin.
Madaxweynahu wuxuu sheegay in barakaca gudaha ah uu yahay mushkilada ugu weyn ee mustaqbalka lala tacaali doono sidii nolol iyo dib u habayn loogu samayn lahaa dadka gudaha ku xoolo beelay ee dulsaarka ku noqday Magaalooyinka.
Leave a Reply