Madaxweynaha Somaliland ayaa Ka Qaybgalay Aas Qaran oo Loo Sameeyey Sheekh Aadan-Siiro

muse

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo maanta xabaalaha Baqiic ee waqooyiga Hargeysa loogu sameeyey marxuum Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-siiro) oo dhawaan ku geeriyooday dalka Hindiya.

Madaxweynaha Qaranka oo ay wehelinayaan madaxda dalka ugu sarraysa oo ay kamid yihiin guddoomiyaha maxkamadda sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaal ciidan, culimaa’uddiin kumannaan katirsan qaybaha kala duwan ee bulshada, ayaa janaasada marxuumka ku tukaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.