Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta hoygiisa ku qaabilay Suldaan Siciid Axmed oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dalka Finland. Sidoo kalena ah u qeybsamaha Geeska Afrika oo uu wehliyo Safiir ku-xigeenka dowladda Finland Otto Stenius.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xubnahan la wadaagay xaalada guud ee dalka gaar ahaan Abaaraha daran ee ka jira qeybo badan oo dalka ka mid ah iyo sidii loogu gurman lahaa qoysaska ay abaaraha daran saameeyeen.
U qeybsamaha Baarlamaanka Finland ee Geeska Afrika Xildhibaan Suldaan Siciid Axmed oo sheegay in safarka uu ku yimid Soomaaliya uu qeyb ka yahay safaro uu kusoo maray dalal badan oo ku yaala geeska Afrika ayaa guddoomiyaha la wadaagay sida ay dowladda Finland uga go’antahay taageerida dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda gaar ahaan ka qeyb qaadashada samata bixinta dadka ay abaartu saameysay.
Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada wadan gaar ahaan iskaashiga Baarlaamaanka Finland iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.
Leave a Reply