Arin Murug-san Ma Maaraykaraa Ra’iisalwasaare Xamse W/Q Khaliif Ashkir Diini

khaliif

Maqaalkaanu wuxuu toos ugu socdaa Ra’iisu Wasaara soomaaliyeed Mudani Xamse  Cabdi Barre Marka hore HAMBALYO iga guddoon EEbbana ha kaa dhigo kii la mahadiyo.

1:- Waxaan ahay nin xog-ogaal ah oo sama-jecle ah oo garwaaqsan in wax Dawladnimo iyo midnimo ka sokeeyaa ayna cidna wax tarayn.

2:- Waxaan kaloo garwaaqsanahay, in labada tiir ee kor ku yaal ( Dawladnimo iyo Midnimo) ayna suura-gal noqonayn CADDAALAD LA’AANTEED.

DHISIDDII JUBALAND

  • Waxaa iska kaashanayay  Reer galbeedka iyo Igad oo Tigray iyo Kiinyo hogaaminayaan.
  • Waxaa laga bilaabay 3000 ee Askari oo Dawladda Engiriisku Ziyeellow ku taba-bartay kuwaas oo loogu talagay in lagu xoreeyo waxa loogu yeero (jubaLand) Askartaas intooda badan waxay ahaayeen Reer Gadood, (ogow ciidanka Absamme intiisa badani waxay la dagaal- galaayeen (JABHADDA RAAS-KAMBOONI).
  • Dawladdii Sooimaaliya ee sheikh Shariif waxay Kiinya weydiisatey in Ciidaan lagu soo wareejiyo waase laga diiday, taasuna waa sababtii keentay in Wasiirkii Gashaan-Dhigga barfasoor Gaandi (AL.U.N) shaqada laga eryo. Isla markiiba wuxuu ku dhawaaqay Maamuul logu magacaabay  (Azaniya) hadii aanan magaca qaldin)

BILOWGII SHAQADA.

Waxaa la gaaray waqtigii JUBALAND Dawlad loo dhis lahaa.

  1. Waxaa la magacaabay 4 nin oo noqda saxiixa yaasha Dawladda Jubbaland. 
  1. Ahmed M. Islan Mada Jabhadda Ras-kambone (Aabsame).
  2. Prof. Ganda M/W Dawladda Lesania (Absamse).
  3. Gen. Fartaag Horjoogaha SNF (MAREEXAAN)
  4. Sheikh Aw Libaax  horjoogaha Ahel Sunnada Koofureed. (Mareexaan)
  5. Iyo Harti Group oo dagaal badan ka dib logu  daray Gen. Darwiish 

ISBADDALKII WEYNAA.

  • Waxaa magaalada Dhoobley isugu yimid:- 5-tii saxiixe, Madax badan oo reer NFD, 3000 OO Askar, Muqaabaraadkii Kiinyo iyo ninkii lugooyada Soomaaliya ku caan baxay (Gabre).
  • Shir muhiim ah ayaa halkaas ka dhacay waxaa lagu guddoomiyey qodobada soo socda:-
  1. In Mudane Gaandi lagu qanciyo in Ahmed Madoobe u daayo maamulka J/L`.
  2. In ciidamadii Zeyeelow oo Rer Gadoodka ahaa Ceelwaaq loo leexsho iyada oo Urur ka tirsan askarta kiinyo lagu daray si ayna Kismaayo u soo aadan.
  3. In ciidamo gaaraaya ilaa 2000 ee Kiinyaan ah iyo Jabhadda Ras Kambooni loo xilsaaro qabashada Kismaayo.
  4. Iyo Gen. Dhuumal oo Mareexaan ah lagu badalo GEN Saxardiid oo Ogaaden ah si uu u hogaamiyo Saldhiga 43aad ee XDS ee Juubooyinka ka hawlgala.
  • Laakiin waxaa so baxay arrin aan lamaleyneyn. Ciidamadsii Mareexan  ee waqtigaas gudaha Kismaayo ku sugnnaa ee  hogaaminaayey Barre Hiiraale oo dabcan Danwladii Soomaaliyeed ee waqtigaas joogtay taageero ka ka helaayey, waa noqon waayeyn kuwo sahal looga adkaado, taasuna waxay keentay in KDF u dhar-dhigato sidii cududda Mareexaan loo jabin lahaa waana lagu guuleystey.
  • Maanlintaas wixii ka dambeeyey waxay beesha Sade aaminsen tay inay ku jiraan gumeysi aan horay ;oo arag dibna loo malaynayn, oo xataa ka sii daran kii NINA ILAY OGAADEEN ku hayey.

QODOBBADA UGU WAAWEYN TACADDIGA LA TIRSANAYO.

  • Dil madax-qarxis ah
  • Hanti boob (barqa weerer ah)`
  • Ciidamada  Jubbaland iyo kuwa Federalka oo laga xaraantimeeyo
  • Shaqaalaha Rayadka ah oo ayna rajo ka qabin
  • Odayaasha dhanka oo la dhalan-rogay
  • Siyaasiyiin Gobolka matalaaya oo gacan-ku-rimis ah
  • Waxaa Absane ku raalli noqday in uu isku darsado;  Madaxweynaha oo 3 kal ah, Caasimadda rasmiga ah iyo Caasidda ku-meel-gaarka ah, Meesha walaalahood Sadena lagu sharfay M/W KU XIGEYN barkiis.
  •  UNA Doolow shir kula yeeshay Dawladda Itooboa iyo saraakiil Gobolka u dhalatay.
  • Gobolka oo 8 Degmo tirsada iyaga oo waligood doonayey in laba gobal loo qaymiyo maadaama dhulka iyo dadkuba hal  Gobol ku yaryahay waxaa saami loo siiyey16 Xildhimaan taas oo aad ku yar.
  • Waxaa M/W Ahmed Madoobe Degmooyin ka dhigay SALAGLE IYO DHOOBLEY, wuxuuna iska diiday in BUUR-DHUUBO IYO CEEL-CADDE oo magaaalooyin waaweyn ah Degmooyin loo aqoonsado.
  • Ficilkii xadgudubka ee +dabeeyey isir-sifaynta Axmed Mioiobe, waaa kii lagu gubay Magaaladii camirmay eeblaga magacaabi jiray Qudus 
  • War iyo murtidiis, M/W AXMED UMA UUNA SHAQAYN `SIDII MADAX WEYNE DADKU U SIMAN YAHAY EE WUXUU U SHAQEEYEY SIDI M/W HOGAAMINAYA REER, REER KALE XOOG KU QABSADAY, WALIBA WAA HUBAA OO SHAKI IIGAMA JIRO IN M/W AHMED M. ISLAAN UU REER GADOOD U KARKAYEY QATAR-WEYN OO MAAMULKIISA KU SOO WAJAHAN, SIDAAS DARTEETNA UU GO’AANSADAY INUU MAGAALADA KISMAAYO KA CIRIB-TIRO. LAAKIINSE RUNTU SIDAAS WAA KA DUWAN TAHAY OO HADDU MAREEXAAN KA CIRIBTIRO KISMAAYO , IYAGANA WAXAA KA CIRIBTIRIN DAD AY HADDA QUURSANAYAAN
  • ARRINTAAS DAAWADEEDANA WAXAA LAGA SUGAYAA R/W XAMSE.

MAXAA MAREEN LA GUDBOON

1 Marka hore ha ku dhaaqina colaadda walaalihiin Absame iyo Reer kale  oo Soomaali ah midna.

2  Ogaada in aad ka tirsan tihiin JubbaLand oo waliba xubinta ugu weyn tihiin sidaas darteedna ay idin-ku waajib tahay in aad nabadeeda midnimaada ku hamidaan.

3 Fursad siiya R/W-ha cusub iskana ilooba dhacdadii dadka Reer Gedood dhibsadeen ee (saddi ka mid).

4 Hadii arrintu sidaan ku sii socoto ka tashada hana qaadanina (QUURSI IYO QATOOYO), Oraahda caanka ah (QAYBI OO XUKUN)

Waxaa cabbiray Wax badan-oge

W/Q Qoraa Sarre Khaliif Ashkir Diini

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.