
Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tall ayaa Ciidamada dowlad Deegaanka Soomaalida ku eedeeyay in ay dileen Dad Shacab ah oo ku sugan Gobolkaas gaar ahaan Deegaannada Xiga Xadka Dowlad-Deegaanka Soomaalida.
Guddoomiye Maxamed Cabdi Tall ayaa sheegay in ka maamul ahaan aanay ka warqabin weerarka Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaannada Yeed & Caato ee Gobolka Afdheer Dowlad-Deegaanka Soomaalida.
Waxa uu sheegay in dadka rayidka ah la dilay guryahooda ay ugu tageen Ciidanka Liyuu Booliis kaddib markii ay ugu tageen Guryahooda iyaga oo si gaar ah u beegsaday Dadkaas oo uu tilmaamay in ay yihiin rayid.
Riix Linka Hoose si aad uga daawato eedeyntii Guddomiyaha Bakool usoo jeediyey ciidamada Deegaanka Soomaalida.
Leave a Reply