ย Ra’iisalw๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐ž ๐จ๐จ ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐ก๐š๐œ๐š๐›๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐š ๐ฆ๐š๐ก๐š๐๐œ๐ž๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ฆ๐ฎ๐๐๐จ-๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š

Xamze

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Xildhibaannada Golaha Shacabka muddo-siinta dhismaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu ka codsaday.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in caqabadaha ka dhashay doorashadii soo jiitantay ee muddada badan socotay iyo is aaminaad laโ€™aantii siyaasadeed ee ay horseedeen khilaafaadkii doorashada, sabab u yihiin dib u dhaca dhismaha Golaha Wasiirrada, taas oo u baahan is-qancin siyaasadeed iyo soo celinta kalsoonida dowladnimada iyo Hayโ€™adaha Qaranka.

โ€œSi aan u soo dhiso xukuumad tayo leh, isuna dheelli tiran, waxaa lagama maarmaan noqotay inaan waqti ku filan geliyo la tashiyada an la sameynayo qeybaha kala duwan ee siyaasiyiinta dalka iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed.โ€ Ayuu ku xusay Raโ€™iisul Wasaaruhu codsiga uu u diray Baarlamaanka.

Raโ€™iisul Wasaaraha oo xusay ansixinta Golaha Shacabku ay u sameeyeen codsigiisii ku aaddanaa muddo-siinta dhismaha Golaha Wasiirrada, ayaa sheegay in muddadaas uu ku soo dhisi doonno xukuumad tayo leh, oo xaqiijin karta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed, dalkana ka samata-bixin karta abaaraha iyo dhibaatada argagixisada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.