Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka soo laabtay socdaal rasmi ah oo uu ku tagay dalka Masar.
Ra’iisul Wasaaraha oo kulamo wadatashi ah maalmahan la lahaa qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxa uu uga xog warramay Madaxweynaha halka ay marayso hawsha dhisitaanka xukuumad tayo leh oo ka jawaabta arrimaha mudnaanta u leh horumarinta bulshada Soomaaliyeed.
Leave a Reply