
Baanka Adduunka ayaa Soomaliya ugu deeqay $100 Miyan oo Dollar taas oo ah kabka Miisaaniyadda wasiirka wasaaradda Maaliyadda XFS oo heshiiskan saxeexay ayaa Baanka Adduunka uga mahadceliyey.
“Waxa aan u mahadcelinaynaa Baanka Adduunka oo ansixiyey ku dhawaad $100 milyan oo dollar oo ah kabka miisaaniyadda Dowladda, kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay buuxisay dhammaan shuruudihii heshiiska lagu ahaa oo ay ku jiraan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo maamul wanaagga.” Ayuu yiri wasiir Bayle.
Wasiirka ayaa dhanka kale xusay in heshiiskani uu gacan ka geysan doonaa maalgelinta mustaqbalka dalkeenna.




Leave a Reply