Xildhibaan Cabdiraxmaan maxamed Xuseen “Odawaa” oo kamida Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka horyimid inuu kamid Noqdo Guddigii uu Magacaabay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Soo baaraayey Xildhibaanadii ka Horyimid inay Ansixiyaan Wasiirada Cusub ee Soomaaliya.
Xildhibaan Odawaa oo warqoraala soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Yiri:-
Ka cudur daarasho.
Anigoo u mahad celinaya gudoomiyaha golaha shacabka JFS Mudane Sh Aadan Maxamed Nuur (Sh Aadan Madoobe), haddana waxaan ka cudur daaranayaa ka mid noqoshada xubinimada guddigaan hoos ku lifaaqan.
Xildhibaanada saxiibadeey ah waxaan kula dardaarmayaa in aan mar walba ilaalinno anashax iyo dhaqanka wanaagsan, xasuusnaana inaan nahay indhihii dalka.
hadalkaan kasoo baxay Xildhibaan Odawaa ayaa waxuu fashil ku yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo diiday in la Mucaarado dowlada.
Leave a Reply