Akhriso:Ilahaan Cumar oo Guul Lama Filaan ka Gaartay Doorashada Soo socota ee Maraykanka

ilhaan

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Koongareeska ee baarlamaanka Maraykanka ayaa codad kooban uga adkaatay Don Samuels oo kula tartamayay doorashada isreereebka ee xisbiga Dimuqraadiga.

Ilhaan Cumar waxay heshay boqolkiiba 50.5 codadkii la dhiibtay halka Don Samuels uu helay 48.2, Doorashadan ayaa aheyd mid si weyn loo hadal hayay isla markaana lagu tilmaami karo tii ugu adkeyd.

Waxay ka dhigan tahay in Ilhaan Cumar ay xisbiga Dimuqraadiga uga qeybgeli doonta doorashada Mareykanka ka dhaceysa bisha November.

Ilhaan ayaa haatan ku fadhidaa kursiga degmada shanaad ee aqalka koongareeska ee Minnesota.

Ilhaan Cumar ayaa barta Twitter-ka ku sheegtay in guusha ay weyn u tahay dadka ku nool degmada ay matasho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.