
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, ayaa maanta xero ku taalla degmada Cadaado tababar uga furay dufcadii koowaad ee ciidanka Booliska Galmudug.
Madaxweyne Qoor Qoor ayaa dardaaran u jeediyay cutubyadaan ciidanka ah ee tababarka uu u furmay, isagoo wasaaradda amniga Galmudug ku amaanay xulista iyo diyaarinta ciidamadan la carbinayo.
Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa faray saraakiisha tababarka siinaysa ciidankaan in ay u dhameystiraan adeegyada ay u baahanyihiin, si ay uga mid noqdaan ciidanka booliska Galmudug.





Leave a Reply