Sawiro:Wasiir Dubbe oo Xilka wasaarada Warfaafinta Wareejiyey

dubbe

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xilka u kala wareejiyay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sen. Cusmaan Abuukar Duube iyo Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac.

Munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha Wasaaradda Warfaafinta, ayaa waxaa ka qeybgalay, wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasima waaxyaha Wasaaradda, Shaqaalaha iyo marti sharaf kale.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sen, Osman Abokar Dubbe oo ka sheekeeyay waxyaabahii u qabsoomay mudadii uu joogay Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa markii uu xilka la wareegay kadib wuxuu kormeeray qeybaha kala duwan ee warbaahinta Qaranka, gaar ahaan Idaacadda Radio Mogadishu, iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, Waxaana kormeerkaan ku wehliyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cabdiraxmaan Al-Cadaala, Wasiirkii hore Senator Cusmaan Abokor Dubbe, Agaasimayaasha Raadiyaha iyo TV-ga Qaranka, iyo mas’uuliyiin kale oo Wasaaradda ka tirsan.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys “Waxaan balanqaadayaa in aan si dhow u la shaqeyn doono, shaqaalaha wasaaradda, anaga oo fulineynaa qorshaha siyaasadda Xukuumadda Dan-Qaran” Ayuu yiri Daa’uud Aweys.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.