Taliyaha Ciidamadda Dhulka Xoogga ayaa gaaray Deegaamo ka tirsan Gobolka Hiiraan kuwaas oo shalay Ciidanka xooggu ka xoreeyen kooxda Argagixisadda ah ee Al-shabaab,deegaamadan ayaa weli waxa ka soconaya hawlgalo lagu baacsanayo Argagixisada Al-shabaab.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaliyeed Gen Mohamed Tahliil Biixi Taliyaha Qaybta 27aad CXDS & Saraakiil kale ayaa Booqday Furimaha Hore Dagaalka Gaar ahaan degaanka teedan oo shalay afka ciida loogu daray Argagixisada iyagoo kulamo la qaatay Saraakiisha Hogaaminaysa Ciidanka iyo masuuliyiinta kale Ee heer maamul goboleed iyo heer fedaraal ee Sugan Agaas
Taliyaha ayaan ku booriyey in sii wadaan baacsiga Argagixisada isla markaana waxa uu dhiirigalin u sameeyey Ciidanka naftood Hurayaasha ah isagoona Fariin u diray adag u diray maleeshiyada Al-shabaab.
Leave a Reply