Madaxwayne Xaean Saadiq John oo Darajadiisi dib ugu Soo Celiyey

Saadiqjohn

:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Mohamed dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Booliska Soomaaliyeed, si waafaqsan Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaar ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya sharciga dhismaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee lr. 2 oo soo baxay sanadkii 1973-dii ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Booliska Soomaaliyeed ay saldhig u noqdaan hannaanka dimuqraadiyadeed iyo ilaalinta sharciga dalka.

“Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Maxamed, laga bilaabo maanta oo aan saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey.”

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay Isniin, 15-ka bishan Ogoosto, 2022 oo ah marka uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.