Daawo:Xafiiska uu Samaystay C/Cabdishakuur oo ka Been Sheegay raashin loogu deeqay Soomaaliya

shakuur

Deeqdii ugu horaysay ee ku timaada Magaca ergayga gaarka ee arrimaha abaaraha iyo gurmadka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxaa lagu wareejiyey Wasaarada arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Isku duwaha guud ee Xafiiska Ergeyga gaarka ah Abdusalam Salwe oo uu wehliyo Kaaliyaha gaarka ah ee Ergeyga Dalmar Xasan Yuusuf, ayaa 40 Konteenar oo ay ku jirto deeq gargaar ah (Raashin) ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa Xusid Mudan Raashinkaan ka yimid Dowlada Imaraadka Carabta inuusan ku imaan Magaca Cabdiraxmaan cabdishakuur balse 13 Agoosto 2022 ay Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, oo uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Dekedaha, Gen. Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Maxamed Abuukar Zubeyr iyo masuuliyiin kale ayaa la wareegay deeq raashin oo ka timid dalka Imaaraadka Carabta oo lagu talagalay Shacabka Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.