Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo soo xiray Kulan-Wadareedka Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Wasiirrada ku adkeeyey in ay si daacadnimo leh ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed, horseedna u noqdaan isbeddel muuqda oo ka hana-qaada dalka.
Raโiisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Xafiiskiisu uu gacan buuxda ku siinayo dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda sida ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda qaran, isagoo kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan xoojinta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladnimadooda, taas oo ku imaanaysa xaqiijinta amniga, bixinta adeegyada aas-aasiga ah iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
โShacabka Soomaaliyeed waxa ay idin ka sugayaan in aad gaarsiisaan himiladooda, xaqiijisaanna kalsoonidooda, taas oo aan rajaynayo in aan ku guuleysanno. Xafiisku Raโiisul Wasaaruhu waxa uu ka shaqeynayaa xiriirinta, toosinta iyo xoojinta Hayโadaha Dowladda, wixii qabyo ah ka ah hayโadaha dowladda waa inaan qabyo tirnaa, wixii wax u bilaabn yihiin waana inaan dhammeystirnaa oo habeen iyo maalin la shaqeeyaa.โ
Maalintii Labaad ee Kulan-Wadareedka Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa furay Raโiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Saalax Axmed Jamaac, Iyadoo khubaro, aqoonyahanno iyo lataliyeyaal sare ay Golaha u sharaxeen Hannaanka Hab-maamuuska Qaran, dib u eegista Dastuurka, amniga iyo xasillinta dalka, caddaaladda iyo garsoorka, horumarinta Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.
Sidoo kale, Labadii maalmood ay Golaha Xukuumaddu ku guda jireen Kulan-Wadareedkan waxa ay falanqeyeeyeen howllaha hortabinta u leh xukuumadda, hannaanka wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, adkeynta ku dhaqanka xeerarka dalka iyo fahamka Xeer hoosaadka Golaha Wasiirrad, ilaalinta iyo ku dhaqanka habraacyada heshiisyada ay hayโadaha dowladdu la galayaan hayโada kale, hagaajinta habka xog-wadaagidda hayโadaha Dowladda dhexdooda iyo mideynta xogta lala wadaagayo dadweynaha.
Leave a Reply