Wasaaradda Arrimiha Gudaha iyo Dib’u heshiisiinta Dowladda Galmudug Cabdiwaayeel, ayaa magaalada Dhuusamarreeb ka daah furay dhismaha Golaha Deegaanka degmada Dhuusamarreeb ee caasimadda Dowladda Galmudug.
Madasha oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimiha Gudaha iyo Dib’u heshiisiinta Dowladda Galmudug ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Galmudug, maamulka gobolka Galgaduud, maamulka Caasimadda, Odayaasha Dhaqanka, Ganacsatada, Haweenka iyo dhalinyarada degmada Dhuusamarreeb, kuwaas oo dhammaan soo dhaweeyay dhismaha Golaha Deegaanka.
Leave a Reply