ku dhawaad shan maalin oo la waysanaa 10 qof oo isku raas ah geeri iyo nolol toona kuwaas oo ay ciidamada liyuu Police ka kaxaysteen qabalaha fadhigaraadle ayaa maanta la helay xiririkooda.
Dadaal badan oo ay sameyeen odayaasha iyo waxgaradka qabalayaasha ka tirsan laasacanood ayaa ugu danbayn ku guulaystay in ay la xiriiraan waxayna sheegeen in Bad qabaan dhamaantood.
Xiriirkaan ayaa waxaa fududeeyey Asad Baddal oo indhawaalahanba ku sugnaa dawlad deeganka soomaalida, waxaana haatan odayaasha lagu hayaa xabsi ku yaala magaalda Godey ee ismaamulka soomaalida.
Raggaan oo dhamaantood isku raas ah ayaa waxaa Si gaara lala hadalsiiya Nabadoonkooda Guud Faarax Sheikh Cabdullahi si loogu xaqiijiyo in ay nabad qabaan.
Lama oga ilaa haatan wax loo haysto raggaan oo u badan odayaal oo ay 3 kamida yihihiin walaalo wada dhashay.
Liiska dadka la haysto.
1. Cabdicasiis Cawil Jaamac
2. Cali Cawil Jaamac
3. Cabdirsaaq Cawil Jaamac
4. Jaamac Cali Warsame
5. Madar Aadan Ducaale
6. Cabdul Axmed Ducaale
7. Dhagey Xaashi Cabdille
8 Faarax Xirsi Jaahweyn
9. Daahir Cumar Xuseen
10. Maxamed Qorane Xirsi
Leave a Reply