
Raisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaloya Mudane Xamse Cabdi Barre , oo warbixin ka dhagaystay Wasiiradda Wasaaradaha Caafimaadka ayaa ayaa boggaadiyay dadaalka iyo wadashaqaynta Wasaaradda Cafimaadka Federaalka iyo Wasaaraddaha kale ee dowlad gobolleedyada kuwaas oo saldhig u ah in si wadar oggol ah looga wadashaqeyo howlaha horumarinta caafimaadka.
Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay waxa uu shir la xiriira qaabkii loo wada shaqayn lahaa u dhaxeeyay Wasaaradda Caafimaadka Federaalka iyo Wasaaraddaha Dowlad Gobolledyada ee caafimaadka kaas oo ahaa mid diiradda lagu saaray qaabka shaqo wadaag iyo howlaha shaqo ee hortabinta u leh.


Leave a Reply