Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud ayaa gobolka Virginia ee duleedka magaalada Washington xalay kula kulmay jaaliyadda Soomaalida ee Washington iyo agagaaraheeda, iyo xubno ka socday jaaliyadda Soomaalida ee guud ahaan gobollada Mareykanka iyo Canada.
Madaxweynaha ayaa khudbad dheer oo uu ka jeediyay kullanka kaga hadlay arrimaha ammaanka, la dagaalanka iyo ciribtirka Al-Shabaab, abaaraha, ujeedada safarkiisa Washington iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in aysan gorgortan ka geli doonin midnimada Soomaaliya.
Leave a Reply