Sawiro:Gudoomiye Aadan Madoobe oo Kulan La Qaatay James Swan

Aadanmadoobe

Guddoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Amb. James Swan iyo Madaxa UNDP ee Soomaaliya Mudane Jocelyn Mason.

Kulanka inta uu socday ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan arrimaha abaaraha iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay abaartu wax-yeeleysay, sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa adkeeyey sidii loo dardar gelin lahaa taageerada Q.M ee Baarlamaanka JFS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn waxaa uu boggaadiyey dedaalada ay dalka kawadaan wakiiladda beesha caalamka waxaana uu ahmiyad gaar ah siiyey dagaalka ka dhanka kooxda argagxisada ah ee Al-Shabaab iyo sidii loo garab istaagi lahaa Ciidanka Xooga Dalka iyo dadka deegaanka ee dagaalka kula jira argagaxisada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.