
Wasiiro, Xildhibaanno ka mid ah Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Guddoomiyaha Gobolka Hiiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda Gobolka Hiiraan, Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad iyo xubno kale ayaa safar dhulka ah ku tegay magaalada Buula-burte.
Guddoomiyaha iyo madaxda la socday ayaa ka amba baxay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyaga soo maray Laamiga dheer ee isku xera Beledweyne iyo Buula-Burte oo sanado badan u xirneed Argagaxisada Al-Shabaab.
Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Bulo-Burde ayaa soo dhaweyn sare u sameeyay wafdiga.
Ujeedka socdaalka Madaxda ee maanta ku gaaray Buulo-Burde ayaa salka ku hayso xoojinta howlgalka ka dhanka ah Argagixsada Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan ka socda.





Leave a Reply