Raisul wasaaraha Itoobiye oo Soo gaaray Magaalada Jigjiga iyo Ujeedka Safarkiisa

abiy

Raisulwasaraha JDFI Abiyi Axmad Cali iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Jigjiga ee Caasimada Dawlad deegaanka Soomaalida.

Waftiga Raysul wasaaraha waxaa ka mid ah Raisulwasare ku xigeenka Dalka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dhamaqe Mokonin Xasan iyo Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Barwaaqo Aadan Faarax.

Raisulwasare Abiyi ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garaad wil waal ku soodhaweeyay madaxwaynada DDS mudane Mustafe Muxumad Cumar.

Caasimada Dawlada Deegaanka Somaalida ee Jigjiga ayaa marti galinaysa shirka Golaha Fulinta ee Xisbiga Barwaaqo, oo markii ugu horaysay lagu qabanaayo meel ka baxsan Caasimada Dalkaasi ee Addis Ababa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.