Dagaalkii Shabaab oo Hakad Galay kadib Markii Beelaha Abgaal, Murursade iyo Saleebaan kacagajiideen

dagaal

Dagaalka ka dhanka ah Argagixisida Al-shabaab ayaa hakad ku yimid kadib markii beelaha Qaarkood ay sheegeen inaan dagaalkaan Shabaab looga xoraynayo Soomaaliya uusan ahayn mid dowlada iyo Shacabka Soomaliyeed u dhan yihiin.

Beesha Saleebaan oo Degaanada hoos yimaada Degmada Baxdo dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac kula galay kooxda Alshabaab ayaa hakiyey weeraradii ay ku hayeen Shabaab kadib markii ay garab ka waayeen Beelaha Galmudug iyo Dowlada Soomaaliya, waxaayna Difaac ka galeen Baxdo.

Beesha Murursade oo Shirar ku yeelatay Muqdisho iyo Magaalada Dhuusamareeb ayaa garowsatay inaysan suurta gal ahayn inay kaligood Ceelbuur xoreeyaan Madaama aysan haysan Soomaali heshiis ah oo ka garab dagaalaysa.

Beelwayn Abgaal ayaa iyaduna ka hortimid qorshaha dagaalka ee ay wado Villa Soomaaliya ee ah inay beeluhu la dagaalamaan Shabaab taas oo ay u arkeen inay tahay waxaan suurta gal ahayn, waxayna Waxgaradkoodii, xildhibaanadoodii iyo saraakiishoodii tagtay Cadale ay isla qaateen inaysan kaligood Shabaab weerari karin loona baahan yahay Ciidan qaran oo kaashanaya Shacabka si looga adkaado Argagixisada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.