
Wafti wasiirro iyo xildhibaano isugu jira oo ay hoggaamineeyso ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya , Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa gaaray Degmada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan.
Waftiga waxaa sidoo kale ka mid ah Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS, C/risaaq Maxamed Cumar Wasiirka Haweenka iyo xaquuqul Insaanka fadaraalka iyo xubno kale.
Waftiga ayaa Buuloburte u tagay sidii loo dhiirri gelin lahaa Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee Kooxda argagixisada Al-shabaab qasaaraha xooggan gaarsiiyay.








Leave a Reply