War qoraala oo Kasoo Baxay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa iska fogeeyey inuu ku lug lee yahay Xariga loo gaystay Xoghayaha ururka Suxufiyiinta Cabdalla Muumin.
Hoos ka Aqriso Qoraalka Wasiir Kuxigeenka warfaafinta Soomaaliya
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay mar kale caddeyneysaa inay ka go’an tahay ilaalinta iyo dhowrista xoriyadda hadalka iyo madaxbanaanida saxaafadda. Waxaa Wasaaradda sidoo kale ka go’an ilaalinta xuquuqda suxifiyiinta, in loo fududeeyo gudashada waajibaadkooda iyo inay si xor ah fikirkooda u dhiibtaan iyagoo raacaya xeerarka saxaafadda iyo sharciga dalka u yaalla.
Wasaaradda waxay ka war heshay xarigga Cabdalla Muumin oo ka tirsan bahda ururada saxaafadda ee magaalada Muqdisho ka hawlgala.
Xiriir ay la sameysay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa wasaaradda lagu wargeliyay in Cabdalla Muumin uu gacanta ugu jiri Hay’adda denbi baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed isla markaana loo haysto eedeymo dhanka amniga la xiriira.
Wasaaraddu waxay sidaa darteed caddeyneysaa in Cabdalla Muumin aan loo haysan eedo la xiriira shaqadiisa saxaafadda.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa ka dalbadey Xafiiska Xeer Ilaalinta in hadii mowaadinkaas loo haysto falal ka baxsan xirfadadii si degdeg cadaaladda loo horkeeno, lana marsiiyo habraacyada sharciga ee dalka u degsan.
Leave a Reply