
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay guusha weyn ee ay gaareen Kooxda Xulka Qaranka ee Da’yarta ka yar 17 sano.
Kooxda oo cayaarta final-kaga adkaatay South Sudan 3 — 1, ayaa Ra’iisul Wasaare Xamse uu sheegay inay umadda Soomaaliyeed u soo hooyeen guul, sharaf iyo magac.
Mudane Xamse oo habeen hore kulan dhiirigelin iyo dardaaran ah la yeeshay kooxda iyo macallinkooda, ayaa sheegay inay ka soo dhalaaleen doorkooda — shacabka Soomaaliyeed iyo Xukuumadoodana ay si heer sare ah u soo dhaweyn doonaan.
Leave a Reply