
Wasiirka Amniga gudaha Jubbaland S/ gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo warbaahinta Dowladda la hadlay ayaa faah-faahiyay howlgalkii dhawaan soo gabagaboobay iyo sida ciidamada Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka ay u muujiyeen dadaal iyo karti horseeday in khasaaruhu uu yaraado inta badana shacabkii hotelka kujiray la badbaadiyo.
Wasiirka Amniga gudaha Jubbaland ayaa sheegay dhimashada shabaabku gaysteen inay tahay 9 qof halka 47 qof uu dhaawac soo gaaray, waxaana la dilay Afartii nin ee soo weerartay Hotelka.
Leave a Reply