Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa ku soo laabtay dalka,kadib markii uu Shir-madaxeedka dalalka Carabta uu hordhigay dadaalka ku aadan la dagaalanka kooxaha argagixisada eee ka jira Soomaaliya iyo doorka wax ku oolka ah ee ay ka sugayaan walaalahooda carbeed.
Madaxweynaha ayaa kula kulmay madasha shirka uu ku qabsoomay hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta iyo madaxda Ururrada Caalamiga ah ee ka soo qeyb-galay, isagoo uga warbixiyey guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sida ay u socdaan abaabulka wadajirka ah ee lagu xoreynayo deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha dalka Aljeeriya oo haatan ah Madaxa Jaamacadda Carabta Mudane Cabdul-majiid Tabuun.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa kulan-doceedyo la qaatay dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdul-fataax Al-siisi, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey iyo Madax kale, si uu u xoojiyo diblumaasiyadda Soomaaliya iyo xaqiijnta danaha Qarankeenna.
Leave a Reply