Madaxwaynaha Hirshabeelle oo Booqday Deegano Laga xoreeyey Argagixisada Shabaab

guudlaawe

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdi Fitaax Qaasim Maxamuud iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dhowaan khawaarijta alshabaab ka xureeyay Degmada Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha oo u kuurgalayay xaaladaha guud degmada ayaa booqday saldhiga degmada oo khawaarijta alshabaab ay ka qoteen godad waaweyn oo gabaad ay kaga dhiganayeen weerara Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa kacdoonka, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Saldhiga kusoo arkay raadadka falal anshax xumo ah oo khawaarijta kula kici jireen dadka masaafurka ah ee ku socdaala wadada gaar ahaan haweenka oo ay kufsi kula kici jireen.

Madaxweynaha ayaa kormeeray Fariisimaha Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa kacdoonka waxa uun bogaadiyay guulaha muhiimka ah ee ay soo hoyeen iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin ciribtirka argagixisada cadowga ah, Isagoo dul tagay goobtii lagu fashiliyay gaari damacsanaa inuu isku qarxiyo fariisin ciidamadu ku lahaayeen banaanka hore ee Magaalada waxa uuna abaalmarin gudoon siiyay Ciidamadii fashiliyay weerarkaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.