Akhriso:Labo Wasiir oo Beesha Caalamka u sheegay in Abgaal dhexdiisa Dagaalamayo

wasiir

Labo wasiir oo ka Tirsan Wasiirada Dowlada Federaalka ee Soomaaliya kasoo Jeeda Beesha Abgaal ayaa war qoraala oo ay si wadi jira u soo saareen oo ku qornaa luqada Ingiriiska ayaa waxay ku sheegeen in Soomaaliya uu kasocdo dagaal beeleed gaar ahaan deeganada Cadele.

Warkaan qoraalka ee soo saareen Wasiir dowlaha arimaha Dibada Soomaaliya Cali Muxamed Cumar iyo Wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga iyo Warshadaha Soomaliya Cusmaan Maxamed Cabdi “Daallo” ayaa waxay sheegeen inuu maalmo deegaanada Cadale uu ka socdo dagaal dhaliyey qasaaro kal duwan loona baahan in lasoo kala dhex galo.

Qoraalkaan ay soo saareen labada wasiir ayaa mid fariin loogu diraayey beesha caalamka in Soomaaliya uu ka socdo dagaal sokeeyo taas oo dhibaato ku ah codsigii dowlada Soomaaliya ee ahaa in Soomaaliya laga qaato Cunaqabataynta hubka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.