Dowladda maraykanka ayaa lacag 10 milion oo doolar dul dhigtay xubno ka tirsan kooxda khawaarijta argagixisada ah ee Al-shabab.
Lacagtan ayaa abaal marin loo siin doonaa cidii xog ka keenta horjoogeyaasha guud ee kooxda Khawaarijta kuwaas oo ay ugu horeeyaan Mahad karataay,jihaad mustafa iyo Axmed diiriye.
Shir jaraaid oo ay ku qabteen safarada maraykanka ee dalka kenya safiirka dowlada mararkanka u fadhiya dalka soomaliya lary adnre iyo sido kale safiir kuxigeenka safarada maraykanka ee dalka kenya marcy dilard ayey ku shaaciyeen in dowlada marakanka ay dul dhigtay abaalmarin 10, milion oo doolar cidii soo sheegta xogta mahad karatay , jihaad mustafa iyo Axmed diiriye,abaal marinta ayaa sidoo kale la siin doonaa Cidii xog ka keenta illaha dhaqaalaha ay ka hesho kooxda khawaarijtu,tan ayaa ka dhigan in markii u horaysay lacag la dul dhigo illaha dhaqaalaha ee Argagixisadda.
Dhanka kale safiir ku-xigeenka Safaaradda Maraykanka ee Kenya ayaa sheegay in Dowladda Maraykanka ka caawinayso Dowladda soomaliya ciribtirka kooxa Khawaarijta.
Leave a Reply