Madaxwaynaha Koonfurgalbeed ayaa Ka Tacsiyeey Geeridii Gudoomiyaha Walawayn

laftagareen

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Ismaacil Shekh Abuukar oo ahaa Guddoomiyihii Degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Ismaciil uu kaalin muhiim ah ku lahaa hoggaanka bulashada Degmada Walaweyn gaar ahaan adkeynta dowladnimada, nabadda iyo dib u heshiisiinta shacabka ku dhaqan Magaalada Walaweyn ee Gobolka Shabeelaha hoose

“inalilaahi waina ileeyhi raajicuun waxaan ehelka,qaraabada iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeed ugu tacsiyaynayaa geerida ku timid alle haunaxaristee marxuum ismaciil shekh abuukar oo ahaa gudoomiyaha degmada walaweyn, marxuumka ayaa door wanaagsan ku lahaa nabadaynta bulshada,ka shaqaynta hormarka degmada iyo ukhidmaynta shacabka uu masuulka uahaa.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.