
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), markuu la tashaday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), xildhibaannada labada Aqal ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur-galbeed Soomaaliya, Siyaasiyiinta iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed, ayow ku baaqay shir dib-u- heshiisiineed.
Shirkaas oo ay ka soo qeybgalayaan siyaasiinta, odayaasha Dhaqanka, Culuma’udiinka iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee reer Koonfur Galbeed, ayadoo madashada shirka ay noqon doonto Magaala Madaxda ku-meel- gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

Leave a Reply