Aadan Madoobe iyo Safiirka UK oo Kawada hadlay Xeerka Jinsiga iyo Arimo Kale

aadanmadoobe

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay danjiraha dalka Ingiriiska Marwo Kate Foster.

Amb. Kate Foster ayaa Guddoomiyaha Golaha la wadaagtay in dowladooda ay si weyn u soo dhaweyneyso shirka dib u heshiisiinta uu ku baaqay Guddoomiyaha oo dhowaan la filayo inuu ka dhaco magalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed. Sidoo kale Marwo Kate ayaa sheegtay inay Mahiim tahay in la Meelmariyo Xeerka Jinsiga kaas oo wax kabadalaya Tacdiyada lagula kaco haweenka iyo dadka kale.

Ku-simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha ayaa boggaadiyay dadaalada dowladda Ingiriiska ay ku taageereyso dowladda Soomaaliyeed iyo garab istaaga shirka dib u heshiisiinta degaannada Koonfur Galbeed.

Gudoomiye Aadan Madoobe iyo Safiirka Uk ayaa kawada hadlay sidii loo joojin lahaa Mooshinka laga Keenay Gudoomiye kuxigeenka Barlamaanka Soomaaliya Sacdiyo Firinbi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.