Madaxweyne Laftagareen ayaa Qaabilay Wafdi heer Sare ah oo ka socday Midowga Afrika

laftagareen

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafti ka socda Midowga Africa.

Madaxwayne laftagareen ayaa Byadhabo ku qaabilay Wafdi uu Hogaaminayey Danjire Adenkule J.M.King, Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Wakiilada Joogtada ah ee Midowga Afrika ee Arrimaha Qaxootiga, Soo Noqoshada iyo Barakacayaasha (IDPs) ahna Safiirka Dowladda Sieraliyon ee Dowladda Itoobiya.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada,La-taliyaasha Madaxweynaha iyo Agaasimaha guud Madaxtooyada waxaa Diirada lagu saaray Arimaha Barakacayaasha,Amniga guud Deeganada Koonfur Galbeed iyo sidii wax loogu qaban lahaa Dadka ay Saamaysay Abaarta ka dhacday Guud ahaan Dalka.

Danjire Adenkule ayaa Macaawano loogu talagalay Dadka Barakacayaasha sidii wax loogu qaban lahaa ku wereejiyey Wasiirka Gargaarka iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.