Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo magaalada Muqdisho kaga qeyb galay munaasabadda xuska maalinta qaranimada Qatar ayaa dowladda Qatar uga mahad celiyay taageerada joogtada ah iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ay ka hir-gelisay iyo kuwo hadda socda.
Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa munaasabadda ka sheegay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dowladda Qatar ugu hambalyeeyey sida wanaagsan ee ay ugu guuleysatay marti gelinta Koobka Kubadda Cagta ee Adduunka 2022.
Leave a Reply