
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta ka qaybgalay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalmiga ah ee La-Dagaallanka Musuq-maasuqa, ayna soo qabanqaabisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa caddeeyay in xukuumaddu ay biliaabeyso kacdoon lagula dagaalayo Musuq-maasuqa si sare loogu qaado hufnaanta iyo isla-xisaabtanka.
Ra’iisalwasaare Xamse ayaa munaasabadda ka sheegay in Musuq-maasuqu uu yahay cudurrada ugu xun ee ku dhaca bulshada iyo dowladnimada, Saxaafadana way u fasaxan yihiin Ninka Dowlada ku jira ee Tuuga ah in ay toosh ku ifiyaan.
Leave a Reply