
Ciidamada xoogga dalka iyo xoogagga dadweynaha ayaa maanta oo Khamiis ah gacan ku heynta degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe kala wareegay Khawaarijta Al-shabaab.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay in ay ciidamadu la wareegeen guud ahaan degmada istaatiigiga Ruun-nirgood, islamarkaana hadda ay socdaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga degmada.
Genaraal Caanood ayaa xusay in dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay deegaannada Juxa,Al-naciim, Alkowsar iyo kuwo kale lagu dilay 150 maleeshiyaad ah oo ay ku jireen 5 xubin oo ajanabi ah, halka uu tilmaamay in la hayo 15 maxbuus.
Leave a Reply