๐๐โ๐๐๐จ๐ช๐ก ๐๐๐จ๐๐๐ง๐๐๐ ๐๐ช๐ ๐ช๐ช๐ข๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ง๐๐๐ก๐ ๐ ๐๐ค๐ค๐ข๐๐๐ก๐๐ฎ๐, ๐ข๐ช๐๐๐ฃ๐ ๐๐๐ข๐จ๐ ๐พ๐๐๐๐ ๐ฝ๐๐ง๐ง๐ ๐๐ฎ๐๐ ๐๐๐๐ฌ๐ ๐ ๐ ๐ฆ๐๐ฎ๐๐๐๐ก๐๐ฎ ๐ข๐ช๐ฃ๐๐๐จ๐๐๐๐ ๐ก๐๐๐ช ๐๐๐๐-๐๐ช๐ง๐๐ฎ ๐๐๐๐๐ ๐๐ช๐จ๐ช๐ ๐ค๐ค ๐ช๐ช ๐จ๐ค๐ค ๐ ๐ค๐ง๐๐๐๐ฎ๐๐ฎ ๐๐๐ฃ๐๐๐๐ ๐๐ฝ๐ ๐ค๐ค ๐ ๐๐ข๐๐ ๐๐ ๐ฝ๐๐ฃ๐๐๐ฎ๐๐๐ ๐๐๐๐ง๐ ๐ ๐ก๐ค๐ค ๐ก๐๐๐ฎ๐๐๐๐ฎ ๐๐ ๐ฟ๐๐ก๐ ๐.
Raโiisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa bogaadiyay daahfurka adeeggan cusub ee E-BESA oo runtii tusaale u ah sida ganacsatada Soomaaliyeed marwalba u yihiin kuwo u heelan hirgelinta adeegyada muhiimka u ah bulshada, wuxuuna Raโiisul Wasaaruhu ku ammaanay shirkadaha dalka ka jira iyo ganacsatada kaalintooda horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.
Raโiisul Wasaare Xamse ayaa caddeeyay in siyaasadda xukuumaddu ay tahay in lagu garab siiyo ganacsatada shaqadooda, waxuuna hoosta ka xariiqay in xukuumaddu ay waddo qorshe ay Soomaaliya ugu biireyso ururka ganacsiga ee (East African Community) oo ay ku mideysan yihiin wadamada Bariga Afrika maadaama ganacsatada Soomaaliyeed ay gobolka Bariga Afrika ku heystaan ganacsi ballaaran.
Tiirka isku filnaansho dhaqaale oo ka mid ah lixda tiir ee xukuumadda ayaa hadafka ugu weyn ee lagu xaqiijinayo waxuu yahay in sare loo qaado dhaqaalaha dalka si dhammaan ummadda Soomaaliyeed ay uga faaโiideystaan.
Leave a Reply